EPL: Ederson oo guul daro ka badbaadiyay Man City xili De Bruyne bareelo looga qaaday garoonka +SAWIRRO

(London) 31 Dis 2017 Goolhaye Ederson ayaa guul daro ka badbaadiyay kooxdiisa Manchester City, kadib markii uu badbaadiyay gool ku laad loo dhigay Crystal Palace waqtigii dhimashada.

Ciyaartoyda City ayaa si dar dar leh ku soo galay ciyaarta, balse Crystal Palace ayaa kala hortagtay daafac adag.

Gabriel Jesus ayaa dhaawac looga saaray garoonka isaga oo oynaya qaybtii hore, Aguero ayaana soo galay badalkiisa, kaas oo kooxda ka khasaariyay fursado dhawr ah.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad, Ciyaartoyda City oo ay ka go’nayd inay gaaraan guushoodii 19-aad oo xiriir ah ayaa laba jibaartay weerar kooda.

Halka ciyaartoyda Palace ay iska khasaariyeen fursado badan oo ay ku qaban kareen hogaanka, Benteke ayaana ka khasaariyay fursadii ugu halis sanayd.

Dhamaadkii ciyaarta, garsooraha ayaa gool ku laad u dhigay Crystal Palace kadib qalad uu galay Sterling, Luka Milivojevic ayaa ka khasaariyay kooxdiisa kadib markii uu badbaadiyay goolhaye Ederson.

 Luka Milivojevic amazingly missed an injury-time penalty to gift Manchester City a draw

Kevin De Bruyne ayaa bareelo looga qaaday garoonka kadib markii si xun loo jilaafay, waxaana loo badinayaa inuu soo gaaray dhaawac halis ah.

 Kevin De Bruyne was injured after being on the end of a wild challenge from Palace sub Jason Puncheon

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 0-0, Crystal Palace ayaana sidaas ku hakisay guulihii xiriirka ahaa ee Man City.

 Manchester City striker Sergio Aguero needed tissues to stop a nosebleed

 Sergio Aguero plays on with a bloodied nose after replacing Gabriel Jesus

 Gabriel Jesus leaves the pitch in tears after suffering an injury against Crystal Palace

 Scott Dann was clearly in big trouble as he sank to the floor in pain

 Seeing their captain carried off the pitch on a stretcher will come as a great worry to Crystal Palace fans

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close