DAAWO: Kevin De Bruyne oo la arkay isaga oo lugihiisa ku soconaya ciyaarta kadib

(London) 31 Dis 2017 Kevin De Bruyne ayaa bareelo looga saaray garoonka dhamaadkii ciyaarta kadib dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Laacibka reer Belgium ayaase niyada u qaboojiyay taageerayaasha Manchester City kadib markii la arkay isaga oo lugihiisa ku socda.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalo lagu cadaynayo in dhaawaca Kevin De Bruyne uusan ahayn mid halis ah.

Tababare Pep Guardiola oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyay in Kevin De Bruyne uu ka roonyahay Gabriel Jesus oo maqnaan kara bil ama laba bil.

Kevin De Bruyne ayaa loo dhaqaajiyay qolka dhar badalka isaga oo ku socda lugihiisa balse garbaha laga haayo taas oo soo muujisay in dhaawiciisu uusan halis ahayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close