Serie A: Roma iyo Sassuolo oo barbaro ku kala baxay +SAWIRRO

(Roma) 30 Dis 2017 Roma ayaa barbaro la gashay kooxda Sassuolo oo marti ugu ahayd garoonkooda, waxayna ku kala baxeen 1-1.
Ciyaartoyda Roma ayaa si dardar leh ku soo galay ciyaarta, waxayna iska qasaariyeen fursado dhawr ah.
31 daqiiqo, Lorenzo Pellegrini ayaa hogaanka u dhiibay Roma kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu ka helay Edin Dzeko, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Roma.
Qaybtii labaad, Ciyaartoyda Sassuolo ayaa dadaal dheer ku bixiyay sidii ay ku heli lahaayeen goolka barbaraha.
78 daqiiqo, Simone Missiroli ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Sassuolo kadib kubadd uu ka helay saaxiibkiis Federico Peluso, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.
Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-1.
Gool FM