Serie A: Hakan Calhanoglu oo guul daro ka badbaadiyay AC.Milan +SAWIRRO

(Florence) 30 Dis 2017 AC.Milan ayaa barbaro la gashay Fiorentina oo ay marti u ahayd, Hakan Calhanoglu ayaana ka badbaadiyay kooxdiisa guul daro kale oo horyaalka ah.

Labada kooxood ayaa weerar iyo weerar celis ku bilaabay ciyaarta, waxayna iska khasaariyeen fursado dhawr ah qaybtii hore.

Balse waxaa lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad, Fiorentina ayaa si dar dar leh ku bilaabatay ciyaarta, waxaana ka go’nayd inay qabtaan hogaanka ciyaarta.

71 daqiiqo, Giovanni Simeone ayaa hogaanka u dhiibay Fiorentina kadib markii uu madaxeeyay kubadd karoos ahayd oo uga timid Cristiano Biraghi, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1 – 0.

Milan ayuu waaga ku baryay, balse 3-daqiiqo kadib, Hakan Calhanoglu ayaa u soo barbareeyay kooxdiisa kadib markii uu ka faa’idaystay qalad uu sameeyay daafaca Fiorentina, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close