EPL: Mohamed Salah oo guul farta ka saaray Liverpool +SAWIRRO

(Liverpool) 30 Dis 2017 Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay Leicester City oo marti u ahayd, waxayna 2-gool ugu badaleen gool looga hormaray.

3-daqiiqo, Jamie Vardy ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib kubadd uu banaanka u soo dhigay Mahrez, wuxuuna ka dhigay 0-1.

 Lloris Karius was back in the Liverpool starting line-up but he was beaten by Jamie Vardy after just three minutes

Ciyaartoyda Liverpool ayaa isku dayay inay soo barbareeyaan goolka looga hormaray, Mane ayaa laga diiday gool uu dhaliyay kaas oo uu ku jiray Offside.

Sidoo kale Salah iyo Coutinho ayaa kooxdooda ka khasaariyay fursado goolka u furnaa, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-1.

 Jamie Vardy slots home to open the scoring for Leicester inside three minutes

Qaybtii labaad, Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii looga bartay baryahaan, waxayna dhanka kale u rogtay natiijada.

52 daqiiqo, Salah ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Liverpool kadib kubadd uu ka helay Emre Can, wuxuuna ka dhigay 1-1.

76 daqiiqo, Salah ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib kubadd uu ka helay Milner, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday Liverpool.

 Mo Salah takes a slide in celebration after firing the winner for Liverpool

 Jamie Vardy celebrates after continuing his impressive scoring form against Liverpool

 Mo Salah drives the equaliser into the net for Liverpool

 Mo Salah cannot believe he has let a chance go begging as Liverpool pile on the pressure against Leicester

 Salah keeps his nerve to fire the winning goal past Kasper Schmeichel

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close