DEG DEG: Romelu Lukaku oo dhaawac looga saaray garoonka (Muuqaal+SAWIRRO)

(Manchester) 30 Dis 2017 Weerar yahanka Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa laga saaray garoonka kulan haatan socda oo u dhexeeya United iyo Southampton.

Lukaku ayaa ka khasaariyay kooxdiisa fursad fiican ka hor intii aysan isku dhicin isaga iyo daafaca Southampton ee Wesley Hoedt.

Weerar yahanka reer Belgium ayaa isku dayay inuu madaxeeyo karoos uu soo qaaday Juan Mata, laakiin waxaa jug xoog leh madaxa ka gaarsiiyay Wesley Hoedt.

Lukaku oo u muuqday mid xaaladiisu ay liidato ayaa bareelo looga qaaday gudaha garoonka.

Tababare Jose Mourinho ayaa badalkiisa garoonka soo galiyay Rashford oo markii hore keydka ku soo bilowday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close