Chelsea oo isku dayeeysa in Eden Hazard ay ka hor istaagto u dhaqaaqida Real Madrid

eden-hazard-chelsea_15ggj1j39rmky1c5a20oxt3tly (1)

(London) 30 Dis 2017 Chelsea ayaa heshiis cusub hordhigaysa laacibkeeda Eden Hazard kaas oo u muuqda mid ku sii jeeda Real Madrid.

Aabaha dhalay laacib kaan ayaa shalay sheegay in Hazard uu diiday dalab ay soo hor dhigtay Blues, wuxuuna sugayaa dalab uga yimaada Real Madrid.

hazard-1-650x433

Sida ay baahisay Express, Chelsea ayaa isku daygii ugu danbeeyay ku doonaysa inay heshiis cusub hordhigto laacibka reer Belgium.

Chelsea ayaa soo hordhigaysa Eden Hazard heshiis lama diidaan ah, si kooxdu ay uga hor istaagto inuu u dhaqaaqo kooxda boqortooyada Spain.

Qandaraaskiisa haatan ee Chelsea ayaa dhacaya 2020, laakiin kooxda ayaa ka cabsi qabta in laacibku uu doorto inuu ka tago galbeedka London.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close