SSC Napoli oo caawa ku ciyaaraysa funaanad ay ku maamuusayso arrin gaar ah! (Daawo)

(Crotone) 29 Dis 2017 – Kooxda SSC Napoli oo haatan la ciyaaraysa kooxda Crotone ayaa ku dheeleysa funaanad khaas ah oo uu ku dheggan yahay baaj lagu maamuusayo kabtanka kooxdaasi ee Marek Hamsik.

Hamsik ayaa noqday laacibka abid ugu goolasha badan kooxdan ka dhisan koonfurta Talyaaniga isagoo dhaafay halyeey Diego Maradona kaddib markii uu Sabtigii dhaliyay goolkiisii 116-aad kaddib 465 kulan oo uu u saftay Napoli.

Wixii berri loo gaaro suuqa ayaa lasoo dhigi doonaa funaanaddan lagu maamuusayo Hamsik oo lagu iibin doono bandhigga MANN, sida ay sheegeyso idaacadda Napoli la ologga ah ee Radio Kiss Kiss.

Halkan ka DAAWO muuqaal gaar ah…

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close