SAWIRRO XUL AH: Elman oo si aan caadi aheyn ugu dabaal degtay Super Cup-ka Soomaaliya

 

(Muqdisho) 29 Dis 2017. Cabdi Joon ayaa koobkii labaad oo xiriir ah u qaaday kooxda Elman,iyadoo ku guuleysatay Super Cup-ka Soomaaliya.

 Elman ayaa 1- uga badisay  kooxda xafidaneysa horyaalka Soomaaliya ee Dekadda,kaddib ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Banaadir.

Qeybtii hore ee dheesha  ayaa lagu kala nastay 0-0,iyadoo labada kooxood ay iska lumiyeen fursado muhiim ah oo goolal loo filan karay.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta bilowgeedii, saxiixa cusub ee Elman Meyma ayaa rigoore lagu galay kaddib markii la jilaafeeyay mar uu dhinac ka soo xarooday.

Xiddigii hore ee Jeenyo ayaa rigooradii lagu galay asixiyay isagoona shabaqa si qurux badan u dhex dhigay.

Cabdi Joon laacibkii hore ee Elman ee iminka ah tababaraha Elman ayuu kulanka taariikh u ahaa maadaama uusan koobkan kula guuleysan kooxdiisii hore isagoo ciyaaryahan ah balse u gacan galiyay isagoo macallin ah.

Meyman ayaa loo aqoonsaday xiddiga garoonka,waxaana abaal-marintaas si wada jir ah u bixiyay Gool FM,Mugdisho Cable iyo A 2 Z.

Sikastaba Elman oo kusoo guuleysatay koobabka Jeneraal Daa’uud iyo Super Cup-ka, ayaa u diyaar garoobi doonta horyaalka Soomaaliya oo furmi doono bisha soo socota.

IMG_4110 IMG_4114 IMG_4118 IMG_4126 IMG_4128 IMG_4133 IMG_4135 IMG_4139 IMG_4141 IMG_4143 IMG_4145 IMG_4147 IMG_4148 IMG_4151 IMG_4153 IMG_4154 IMG_4157 IMG_4158 IMG_4159 IMG_4160 IMG_4162 IMG_4163 IMG_4164 IMG_4165 IMG_4170 IMG_4171 IMG_4173 IMG_4174 IMG_4176 IMG_4178 IMG_4179 IMG_4180 IMG_4182 IMG_4185 IMG_4188 IMG_4194 IMG_4195 IMG_4196 IMG_4198 IMG_4201 IMG_4206 IMG_4207 IMG_4209 IMG_4216 IMG_4224 IMG_4225 IMG_4226 IMG_4227 IMG_4232 IMG_4233 IMG_4234 IMG_4235 IMG_4236 IMG_4237 IMG_4239 IMG_4240 IMG_4241 IMG_4245 IMG_4248 IMG_4249 IMG_4251 IMG_4256 IMG_4258 IMG_4259 IMG_4262 IMG_4264 IMG_4265 IMG_4269 IMG_4271 IMG_4273 IMG_4276 IMG_4277 IMG_4282IMG_4294 IMG_4295 IMG_4299 IMG_4300 IMG_4303 IMG_4307 IMG_4309 IMG_4313 IMG_4318 IMG_4321 IMG_4322 IMG_4323 IMG_4324 IMG_4331 IMG_4332 IMG_4353 IMG_4357 IMG_4360 IMG_4361 IMG_4366 IMG_4372 IMG_4375 IMG_4379 IMG_4380 IMG_4381 IMG_4383 IMG_4384 IMG_4392 IMG_4395 IMG_4396 IMG_4397 IMG_4399 IMG_4400 IMG_4402 IMG_4403 IMG_4406 IMG_4409 IMG_4414 IMG_4415 IMG_4429 IMG_4435 IMG_4437 IMG_4440 IMG_4445 IMG_4446 IMG_4448 IMG_4453 IMG_4455 IMG_4463 IMG_4472 IMG_4474 IMG_4476 IMG_4485 IMG_4489 IMG_4494 IMG_4501 IMG_4502 IMG_4519 IMG_4525

Sawir Qaade: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close