DAAWO: ”Anigu sixirroole ma ihi” – Gattuso oo Milan uga digey inay is dhigato!

(Florence) 29 Dis 2017 – Macallinka AC Milan ee Gennaro Gattuso ayaa sheegay “In uusan sixirroole ahayn” kahor kulanka uu berritoole la yeelanayo kooxda Stefano Pioli ee Fiorentina oo uu ku tilmaamay koox caafimaad qabta oo abaabulan.

Kooxda Rossoneri ayay fareheeda ka qoyan tahay guushii qaaliga ahayd ee ay Inter uga reebtay Coppa Italia oo ay Milan usoo baxday nus-dhamaadkiisa, balse waxay wadataa laba guuldarro oo xiriir ah dhanka Serie A, kahor kulanka Artemio Franchi.

“Anigu ma ihi sixirroole,” ayuu Gattuso ka digey, mar la waydiiyay in guushii derbu Milano loo qaadan karo mid wax ka beddeli doona fasal-ciyaareedka kacaa kufaya ee AC Milan.

“Waxay ahayd ciyaar adag, balse waa inaannu ciyaar kasta iskeed u eegnaa, annagoo la imanaynaa baahidii iyo hab dhaqankii ciyaartaasi.” ayuu raacshey.

 B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close