RASMI: Montella oo loo dhiibayo kooxda Sevilla

(Sevilla) 28 Dis 2017 – Kooxda Sevilla ayaa ku dhawaaqday in Vincenzo Montella uu noqon doono macallinkooda cusub marka la baabi’yo qandaraaska uu kula jiro kooxda Milan.

War lasoo dhigay webka rasmiga ah ee Sevilla ayaa lagu xaqiijiyay in Montella uu Sevilla kula heshiiyay inuu la joogo ilaa 2019 iyadoo lagu wado inuu qandaraaska saxiixo berritoole oo Jimce ah marka la tirtiro qandaraaska Rossoneri.

Wuxuu deeto qaban doonaa kooxda reer Andalusia isla subaxda Sabtiga oo loosoo bandhiga saxaafadda Spain, lama se oga inta qof ee la shaqayn doonta 43-jirkan, waloow loo badinayo inuu la shqayn doono jaalkiisa reer Talyaani ee Enzo Maresca, oo kooxdan UEFA Cup la qaaday 2006.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close