Man United oo dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay Paulo Dybala iyo Juventus oo soo diiday (Maxay isku haayaan labada kooxood?)

Image result for Dybala Man United

(Manchester) 28 Dis 2017 Manchester United ayaa dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay weerar yahanka Juventus ee Paulo Dybala.

Metro ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay u gudbisay Juventus 70 milyan oo Ginni oo lagu daray Henrikh Mkhitaryan.

Image result for Mkhitaryan Dybala

Laakiin Juventus ayaa soo diiday dalabkii ugu horeeyay ee Man United ay ka gudbisay Paulo Dybala.

Juventus ayaa ka soo horjeeda in Henrikh Mkhitaryan uu qayb ka noqdo dalabka Manchester, waxayna dalbanayaan lacag dhan 90 milyan oo saafi ah.

Dybala ayaa keyd ka galay kooxdiisa Juventus kulamadii u danbeeyay, waxaana soo muuqanaya in kooxdu ay doonayso inay iska iibiso weerar yahanka reer Argentina.

Kooxda reer talyaani ayaan aqbali doonin wax ka yar 90 milyan si ay u fasaxdo Paulo Dybala oo sidoo kale diirada u saaran Barcelona iyo Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close