Maamulaha Guud ee Milan iyo Macallinka Inter Milan oo lagu maadsadey + Sawirro

(Milano) 28 Dis 2017 – AC Milan ayaa u baahatay ilaa waqtiga dheeriga ah si ay Inter ugu garaacdo 1-0 uu u dhaliyay muluqa weerarka ah ee Patrick Cutrone taasoo ay Inter Milan uga cirib tirtay Coppa Italia iyadoo nus-dhamaadka ku wajahaysa Lazio.

Labada kooxiba waxay kasoo kabteen laba guuldarro oo xiriir ah oo dhanka horyaalka ah kahor kulankoodan, waloow ay Rossoneri tahay midda sii liidata dhanka horyaalka, balse waxay xalay ku cashaysay kooxda Inter oo ay ka reebtay Coppa Italia.

Haddaba, taageerayaasha ayaa sawirro camirasho ah ka sameeyay labada kooxood oo ay midiba si u dhibban tahay, haba sii darnaato Milan oo xagaagii lacago fara badan farraqday balse haatan horyaalka meel hoose uga jirta, halka Inter oo mar hoggaanka qabatay ay haatan hoobad bilowday.

Hoos ka eeg sawirrada laga sameeyay ee maadda ah.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close