WAGAR: Jariiradda MARCA oo Mourinho siisay talo dadban, qish iyo shax qiimeheedu dhan yahay 300 million si uu ula tartamo Manchester City!

Mourinho

(Manchester) 27 Dis 2017. Dhaqaale badan oo la qarash gareeyo ayey ku qaadaneysaa Manchester United si ay ula loolanto deriskooda Manchester City, sidaas waxaa qaba Jose Mourinho.

Sidan ayuu u hadlay kaddib markii ay Old Trafford bar bar dhac 2-2 kula galeen salaasadii Burnley.

“Man City daafacyo ayey ku soo iibstay qiimaha weeraryahanka,” ayuu yiri kaddib markii ay simbiriiraxdeen.

“Intaas kuma filna, kuma filna,” ayuu raaciyey isaga oo ka hadlaya 300 million euros ee uu qarash gareeyey tan iyo markii uu yimi Old Trafford.

Kaddib hadaladaas, Marca waxa ay qortay in ay go’aansatay in ay caawiyaan tabaarihii Real Madrid si uu u dhiso koox 300 million euros oo awoodda in ay la tartato muwaadiniinta.

Si loo xisaabiyo qiimaha ciyaaryahanada, Marca waxa ay tixgalisay  lacagta lagu bur burin karo qandaraasyadooda waa haddii ay leeyihiin sida Antoine Griezmann ama  Alvaro Odriozola iyo qiimaha ay joogaan, marka la eego suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada aan lahayn xeyn-daab qandaraas. Alex Sandro, Marco Verratti iyo Paulo Dybala dhammaan qeybta dambe ayey ku jiraan (Ma laha xeyn-daab qandaraas).

Waxaa iyana jira ciyaaryahano lagu  heli karo bilaash sida Kepa, Miranda, Giorgio Chiellini, Leon Goretzka, Mesut Ozil iyo  Alexis Sanchez.

EEG SHAXDA

15143711277696

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close