Santiago Bernabeu waa garoonka Barcelona ay ugu jeceshahay La Liga sanadihii u danbeeyay (Aqri Xogtaan)

Image result for Santiago Bernabeu Barcelona

(Madrid) 27 Dis 2017 Barcelona ayaa guul wayn ku gaartay garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu sabtigii, waxayna uga adkaatay 3-0.

Tan iyo xiliciyaareedkii 2008-2009, Barcelona ayaa ku shaqaysatay Santiago Bernabeu 22-dhibic La Liga, waxaana laga rabay 30 dhibic, taas oo u dhiganta inay khasaarisay kaliya 8-dhibic sid ay baahisay Mundo Deportivo.

Image result for Santiago Bernabeu Barcelona

Guulaha Barcelona ay ku gaartay Santiago Bernabeu tan iyo waqtigaas ayaa nisbo ahaan ah 73.33%, waana in kabadan garoomada kale ee kooxdu ay ku ciyaartay tan iyo waqtigaas horyaalka Spain.

Garoonka ku soo xiga waa kan Bilbao oo kooxdu ay ku gaartay guulo gaaraya 70%, waxaa ku xiga Atletico Madrid oo ay ku gaartay 66.66%.

Garoonka Valencia ayeey Barcelona ku shaqaysatay guulo nisbo ahaan gaaraya 60%, garoonka Celta Vigo ayeey Barca ku gaartay 46.66%.

Garoonka Real Sociedad ayaa ah kan guulaha ugu yar kooxdu ay ku gaartay marka la fiiriyo sanadihii u danbeeyay, waxayna ku shaqaysatay 9.52%.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close