RASMI: Liverpool oo xaqiijisay in ay heshiis Southampton kala gaartay Van Dijk

4798C38F00000578-0-image-m-1_1514399440853

(Liverpool) 27 Dis 2017. Liverpool si rasmi ah ayey ugu guuleysatay loolankii loogu jiray Virgil van Dijk kaddib markii ay saxiixiisa heshiis kala gaartay Southampton.

26 jirka ooh ore loola xiriirinayey Chelsea iyo Manchester City ayaa 1-ka Janaayo ku soo biiri doona Anfield

Warkan ku saabsan kala iibsiga Holland-ka ayaa soo baxay maanta oo arbaca ah labada kooxood Liverpool iyo Southampton waxa ay ku shaaciyeen boggagooda 6Pm UK waqtigeeda.

Waxaa la filayaa in ay Reds ku qaadato Van Djik aduun dhan £75m.

Warbixin la soo dhigay Twitter-ka Liverpool ayaa sidan u qorneyd: “Kooxda Kubadda Cagta ee Liverpool waxa ay xaqiijin kartaa in ay is afgarad kala gaartay Southampton kala iibsiga Virgil Van Dijk.

“Reds heshiis ayey la gaartay kooxda xeebta koonfureed iyo ciyaaryahanka qudhiisa, taas waxa ay ka dhigan tahay in 26 jirka ku soo biiri doono Anfield marka suuqa dib u furmo 1-da Janaayo 2018.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close