Mbappe oo sharraxaad ka bixiyey sababta uu ku diiday Real Madrid

15143090729461

(Paris) 27 Dis 2017. Real Madrid aad ayey u daneeneysay Kylian Mbappe xagaagi hore, balse xiddigga soo baxaya waxa uu ku dambeeyey ku biiridda Paris Saint – Germaiin – kooxda magaalada uu ka dhashay.

Tani waxaa sabab u ah fursadda ahayd ku laabashada magaaladiisii hore in ay ahayd mid xiiso badan oo aan la dayici Karin.

“Waxaan diiday Real Madrid sababa waxa weeye PSG waa kooxda magaaladeyda,” ayuu Mbappe ku sharraxay wareysi gaar ah oo uu siinayey MARCA.

“Ku biiridda Real Madrid waxa ay ahaan lahayd sida taageere Real Madrid carruurnimadiisii oo helay fursadda uu ugu ciyaaro kooxdan oo go’aansaday in uu aado meel kale, wadan kale.

“Waxaan rabay in aan u ciyaaro PSG aad ayaana ugu faraxsanahay hadda sida wax u socdaan.

“Xan badan ayaa jirtay oo ku saabsan dhaq dhaqaaqan waana sax in aan wada hadalnay, laakiin waxaa qaaa hadda in ay wax la soo dhaafay tahay in aan ku biiro Real Madrid.

“Hadda PSG ayaan u ciyaaraa waana difaaci doonaa 100% midabadan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close