HORDHAC: Newcastle United vs Manchester City…(Pep iyo bar-baartiisa oo hogaanka sii dheereysan kara)

cityy

(England) 27 Dis 2017. Manchester City ayaa heysta fursad ay ku sii dheereysan karto hogaanka horyaalka Ingiriiska maadaama markale lagu dhagay Man United.

Pep Guardiola iyo xertiisa ayaa sidoo kale eeganaya guushoodii 18-aad oo xiriir ah Premier League.

Wararka Labada Dhinac:

Newcastle United ayaa dib u heli doonta Jonjo Shelvey oo ganaax ka soo laabtay.

Xiddigaha qadka dhexe ee Mikel Merino iyo Isaac Hayden ayaa labaduba qaba jug waana la qiimeyn doonaa xaaladooda.

Manchester City ma qabaan wax dhibaato dhaawacyo cusub balse shaxdooda ayay isku shaandheyn ku sameyn karaan maadaama kulamada ciida ay ku imaanayaan si dhaqsi leh.

Daafaca John Stones ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kaddib dhaawac muruqa waxyse u muuqataa in kulanka uu hoosta ka soo galay isaga.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Newcastle United vs Manchester City (Premier League)

Goobta: St James’ Park

Goorta: 10:45 habeenimo

Garsoorka: Andre Marriner (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Newcastle 19-kulan Premier League kama adkaan Man City tan iyo guushii 1-0 ay garoonkeeda uga gaartay bishii September 2005 (16-guul darro iyo 3-bar baro)

Manchester City ayaa dhigi doonta rikoodh 20-kulan oo horyaalka ah aysan guul darro kala kulmin koox gaar ah. Sidoo kale 19-kulan ayay wax guul darro ah kala kulmin Barnsley sanadihii u dhexeeyay 1898 iyo 1987.

Yeelkeede, Newcastle ayaa goor dhow garaacday Man City bishii October 2014 kulan League Cup ah oo ka dhacay Etihad Stadium.

Safafka Macquulka ah ee Newcastle United vs Manchester City.

city

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close