HORDHAC: AC Milan vs Inter Milan…(Sideed dhammaadka Coppa Italia)

inter

(Italy) 27 Dis 2017. Kooxaha dariska ayaa caawa isku food saari doona Sideed dhamaadka tartaka Coppa Italia.

Labada koox ayaa is qabanaya iyagoo xaalado kala duwan ku jira, Milan ayay sheekada ku culustahay oo fadhisa kaalinta 11-aad ee horyaalka Serie A halka Inter Milan ay ku jirto 3-aad.

Milan oo lacagihii ugu badnaa suuqa la gashay ayaa dhawaan macallinka ka dhigatay Gattuso balse uma muuqdo mid bogsiin kara boogta.

Inter Milan ayay qudheeda ka jajaban tahay labadii kulan ee ugu dambeeyay oo waxaa isugu xigsaday labo guul darro oo is xigta iyadoon horey guul darro u arag oo waxay iminka 5-dhibcood u jirtaa Napoli iyo Juvetus.

Wararka Labada dhinac:

Gennaro Gattuso ayaa is badel ku sameyn doona shaxdiisa 4-3-3 kaddib bandhigiisii liitay ee kulamadii dhawaa.

Suso ayaa la heli karaa kaddib markii uu ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay ee Serie A.

Patrick Cutrone ayaa la filayaa inuu booska hore kaga soo hor bilowdo Nikola Kalinic iyo André Silva.

Luciano Spalletti ayaa isku shaandheyn ku sameyn doona shaxsdiisa Miranda iyo Danilo D’Ambrosio ayaan taam buuxa ahayn halka kuwa kale oo uu ka mid yahay Borja Valero uu ka faa’iideysan karo nasiinada.

João Cancelo ayaa laga yaabaa inuu helo fursad naadir ah in lagu soo bilaabo garabka bidix ee daafac halka Yuto Nagatomo uu ku soo bilaabanayo garabka kale.

João Mario ayaa lagu wadaa inuu ka ciyaaro booska ka dambeeya weerarka kaa oo shaki la’aan ah Mauro Icardi.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: AC Milan vs Inter Milan (Coppa Italia)

Goobta: Stadio Giuseppe Meazza

Goorta: 10:45 Habeenimo

Safafka Macquulka ah ee Milan vs Inter:

mi

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close