COPPA ITALIA: AC Milan oo u soo baxday nus-dhamaadka TIM Cup + Sawirro

(Milano) 27 Dis 2017 – AC Milan ayaa u baahatay ilaa waqtiga dheeriga ah si ay Inter ugu garaacdo 1-0 uu u dhaliyay muluqa weerarka ah ee Patrick Cutrone taasoo ay Inter Milan uga cirib tirtay Coppa Italia iyadoo nus-dhamaadka ku wajahaysa Lazio.

Labada kooxiba waxay kasoo kabteen laba guuldarro oo xiriir ah oo dhanka horyaalka ah kahor kulankoodan, waloow ay Rossoneri tahay midda sii liidata dhanka horyaalka, iyadoo gaar ahaan kulankan ay dhaawac ku seegeen labada goolwale ee 1-aad iyo 2-aad ee Gianluigi Donnarumma iyo Marco Storari, waxaana sidaa darteed saftay Antonio Donnarumma oo saftay kulankiisii abid ugu horreeyay ee rasmi ah. Nerazzurri ayay ka maqnaayeen Joao Miranda iyo Danilo D’Ambrosio.

Goolka Milan oo yimi daqiiqaddii 105-aad ayaa waxaa soo dhigay Suso, waana kubad dadab ahayd oo ay celin wayday kooxda Inter kahor inta aysan gaarin muluqa Cutrone oo daba mariyay Handanovic.

Milan 1-0 Inter (aet)

Cutrone 105 (M)

Milan: A Donnarumma; Abate (Calabria 54), Bonucci, Romagnoli, Rodriguez; Kessie, Biglia, Locatelli (Calhanoglu 73); Suso, Kalinic (Cutrone 75), Bonaventura

Inter: Handanovic; Cancelo, Skriniar, Ranocchia, Nagatomo; Vecino, Gagliardini (Brozovic 75); Candreva (Eder 100), Joao Mario (Borja Valero 67), Perisic; Icardi

Gar: Guida

B

31

B b2 b3 b4 b5 b7 b8 b9 b10

B b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b18 b19 b20 b21 b22 b23 b24 b25 b26 b27 b28 b29 b30

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close