Barcelona oo wadahadalo ay ku doonayso Angel Di Maria la furaysa PSG

Angel Di Maria

(Barcelona) 27 Dis 2017 Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay wada hadal la furto dhigeeda PSG si ay u soo xerogaliso laacibkii hore ee Real Madrid.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay dib wadahadal ula furayso PSG kadib wadahadaldii burburay ee suuqii xaggaaga.

di maria

Barcelona ayaa ku dalbanaysa Angel Di Maria lacag dhan 45 milyan oo euro oo lagu daray 15 milyan oo ah lacago dheeri ah, waana isla dalabkii hore ee PSG ay ka diiday suuqii xaggaaga.

PSG ayaa ku qasban inay iska iibiso Angel Di Maria, maadama laga cabsi qabo kooxdu inay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.

Angel Di Maria ayaa kula jira kooxdiisa heshiis dhacaya 2019, wuxuuna doonayaa inuu ka garab ciyaaro Messi oo ay isku xul yihiin.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close