SAWIRRO: Kooxdii Puntland oo si MEEQAAM sare leh loogu soo dhaweeyey Garowe

b1

(Garowe) 26 Dis 2017. Waxaa maanta caga dhigatay madaarka Garowe diyaaraddii sidday ciyaaryahanadii Puntland u matalayey koobkii maamul gobolleedyada iyo G/Benadir.

Kooxda Puntland ayaa horraantii bisha ka soo duushay isla Garowe iyada oo difaacaneysay koobka waxa ayna taktay ilaa iyo kama dambeysta.

Jubbaland oo ay kii sanadkii hore ka qaaday ayaa ka aargoosatay.

Hase ahaatee, waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Garowe iyaga oo looga hortagay gegida diyaaradaha oo ay soo galbiyeen dadweyne aad u tiro badan oo gawaari lixaad leh.

Waxaa ay soo gaareen BARXADDA garowe caanka ku tahay halkaas oo ay ku qaabileen boqaal shacab ah.

SAWIRRO

b3 b4 b5 b6 b7 b8 p1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *