RASMI: Fellaini oo diiday heshiis kordhin ay u soo bandhigtay Man United

Fellaini Mourinho

(Manchester) 26 Dis 2017. Laacibka khadka dhexe ee Manchester United Maraoune Fellaini waxa uu sheegay in uusan hubin sii joogidda kooxda kaddib markii uu xaqiijiyey diididda saxiixa qandaraas cusub loo soo bandhigay.

30 jirka waxa uu qandaraaska ka dhacayaa dhammaaka xili ciyaareedkan waxa uuna heshiis horudhac ah la sii gali karaa cidda uu doono.

Jose Mourinho waxa uu doonayaa in uu haysto Belgiumkab halka United ay kalsooni ku qabtay in uu Fellaini saxiixi doono heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay oo uu mushaar ahaan toddobaadkii ku qaadan lahaa £100,000.

Hase ahaatee, waxa uu xaqiijiyey in uu diiday heshiiska ceynkaas ah.

‘Man United qandaraas ayey ii soo bandhigtay waxaana hubaa in ay mid kale keeni doonto,’ ayuu Fellaini u sheegay HUMO.

‘Wali ma aqaan in aan aqbali doono – waan arki doonaa. Waan kala hadlay Mourinho. Wuu qadariyaa ciyaaryahanadiisa go’aanada ay qaataan.’

Haddii Fellaini diido qandaraska kale ee kooxda waxaa la iibin doona bisha Janaayo.

United  2013kii ay £27.5m uga soo iibsatay Everton Fellaini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close