Ogow sababta uu Martial uga maqan yahay kooxda Manchester United

Manchester United v Tottenham Hotspur - Premier League - Old Trafford

(Manchester) 26 Dis 2017. Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial waxaa laga reebay 18-kii ciyaaryahan ee uu Jose Mourinho u soo xushay kulanka Burnley ee Old Trafford.

Laacibka reer France wuu ku soo bilowday kulankii 2-2 ku dhamaaday ee Leicester balse gabi’ahaanba laguma darin kooxda ka hortageysay Sean Dyche.

Martial waxa uu dayacay fursad uu guusha ku siin garay United ciyaartii ka dhacday King Power waxa uuna Kubadd waji ka waji ah ula tagay Kasper Schmeichel.

Taagereyaal badan oo Manchester United ah ayaa cabsi badan ka qabay in sababtu tahay in Mourinho ku ciqaabay kulankaas.

Hase ahaatee, Martial dhaawac fudud ayaa ku soo gaaray kulankaas waxaana loo reebay taxadar ahaan sdiaas waxaa qortay SFR Sport.

Majaladda France ka soo baxda waxa ay dhaawaca Martial ku tilmaamay mid fudud ciyaartana uu ka daawan doono tarbuunka.

Mourinho waxa uu xushay Lukaku iyo Ibrahimovic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close