Liverpool oo silcisay Swansea City…(Firmino oo labo ka kacay)+SAWIRRO

(England) 26 Dis 2017. Liverpool oo Anfield ku marti qaaday Swansea City ayaa goolal sida cuntada u siisay kaddib markii ay uga adkaatay 5-0.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0.

Bilowga ciyaarta waxaa goolka Liverpool u xareeyay Coutinho daqiiqadii 6-aad kubbad uu bannaanka ka jaray, waxaana goolka ka caawiyay Maxamed Saalax.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyarta Roberto Firmino ayaa goolka labaad dhul ma dhacdo dhaliyay kaddib caawin uu ka helay dhaliyaha goolka koowaad ee Coutinho daqiiqadii 52-aad.

Trent Alexander-Arnold ayaa goolka saddexaad u saxiixay Liverpool kubbad ay soo qaldeen Swansea City.

daqiiqadii 88-aad Firmini ayaa markale tagay shabaqa kaddib kubbad sahlan oo ku taabo ah uu ka helay Maxamed Salax.

laacibkii hore ee Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain ayaa goolka shanaad ku soo xiray ciyaarta.

SAWIRRO:

li

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close