HORDHAC: Manchester United vs Burnley

man

(England) 26 Dis 2017. Manchester United ayaa dib u dhac wayn ku sii dhacay kulankii dhawaa ee Leicester City kadib markii waqti xun labar bareeyay, balse wiilasha Jose ayaa eeganaya inay guul helaan kulankan.

Wararka Labada dhinac:

Manchester United ayaa wajihi karta Burnley iyadoo uu ka maqan yahay daafaceeda Chris Smalling kaa oo dhibaato gumaarka ah soo gaartay gabo gabada kulankii ay bar baraha la galeen Leicester City sabtidii.

Antonio Valencia ayay u badan tahay inuu dhaawac muruqa ah ku seegi doono kulankiisii saddexaad halka Eric Bailly, Michael Carrick iyo Marouane Fellaini ay weli dhaawacyo ku maqan yihiin.

Xiddiga Burnley James Tarkowski ayaa weli dhaawac ku maqan waxaase xaaladiisa la qiimeyn doonaa Chris Wood kaddib markii uu dhaawac soo gaaray mar ay isku dheceen goolhayaha Tottenham Hugo Lloris.

Stephen Ward oo qaba dhaawac Jilibka ah ayaa weli shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa.

Matt Lowton ayaa ahaa badel aan la isticmaalin kulankii sabtida kaddib markii uu shan kulan ku maqnaa cabasho dhaawac jilibka ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Manchester United vs Burnley (Premier League)

Goobta: Old Trafford

Goorta: 6:00 Fiidnimo

Garsoorka: Martin Atkinson (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Manchester United ayaan wax guul darro ah la kulmin 13 kulan ay Old Trafford kula ciyaartay Burnley tan iyo guul daradii 5-2 ee bishii September 1962.

Yeelkeede, Burnley ayaa kasbatay bar baro goolal la’aan ah kulankooda xilli ciyaareedkii tagay iyadoo ay jirto in lagu tuuray 38 laad waana darbooyinkii ugu badnaa ee hal kulan la rido 2016-17.

Kooxda lagu naaneyso The Clarets ayaa diiwaan gishatay kaliya hal guul 23 kulan ay kulmeen home iyo away ( 13-guul daro iyo 9-bar baro).

Safafka Macquulka ah ee Manchester United vs Burnley:

mann

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close