Conte oo Chelsea u tilmaamay inay la soo saxiixdaan 3-dan Laacib haddii kale ay Niyad jab ku dhammeysan doonaan xilli ciyaareedka

cc

(London) 26 Dis 2017. Antonio Conte ayaa la warinayaa inuu Chelsea uga digay in xilli ciyaareedka uu ku dhammaan doono niyad jab haddii ay ku guul darreystaan inay shaxdooda xoojiyaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee usbuuca soo socda furmi doona.

Macallinka reer Talyaani ayaa aqoonsaday oo arkaday saddex ciyaaryahan uu doonayo inay kooxda la soo saxiixato bisha soo socota wuxuuna dajiyay qorshe uu isaga ilaalinayo niyad jab kale oo ka soo raaca suuqa kala iibisiga sida uu sheegayo Daily Mirror.

Booska ugu badan uu maanka ku hayo Conte in la xoojiyo oo uu cadaadiska ku saarayo maamulka Blues ayaa ah weerarka kaddib markii ay Chelsea ku sari waysay inay gool ka xareyso Everton ciyaartii dhaweyd uu ka maqnaa dhaliyahooda Alvaro Morata.

Haddaba saddexda ciyaartooy uu soo arkaday macallinkii hore ee Juventus ayaa kala ah xiddiga qadka dhexe weerarka ee Monaco Thomas Lemar, da’yarka garabka kaga duula Bayer Leverkusen ee Leon Bailey iyo xiddiga Everton Ross Barkley.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close