Otamendi oo qandaraas laba sano ah qallinka ugu duugaya Man City

Manchester-Citys-Nicolas-Otamendi-in-action-with-Manchester-Uniteds-Marcus-Rashford

(Manchester) 25 Dis 2017. Nicolas Otamendi waxa uu ogolaaday qandaraas laba sano ah in uu u saxiixo Manchester City kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa iyo 2022.

29 jirka udub dhexaad ayuu u yahay kooxda City ee la hakin waayeen ololahan waxa uuna saftay 18 ka mida 19kii kulan ee horyaalka.

Sida laga soo xiganayo Goal.com Pep Guardiola waxa uu go’aansaday in uu qandaraas laba sano ah ku amaalmariyo daafaca oo naadiga ku hayn doona ilaa iyo 2020.

Warkan ayaa imanaya xilli Muwaadiniinta ay wadaan qorshe ay xiddigga sar sare ee kooxda heshiis cusub uga saxiixanayaan waxaana ka mid ah Kevin De Bruyne, Gabriel Jesus iyo  Fernandinho.

Otamendi afar gool ayuu xilli ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa horyaalka iyo Champions Leaguega.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close