Man City oo hormuud u ah kooxo doonaya in Premier League-ga 10 kulan oo dheeri ah lagu daro…..Maxay tahay ujeedadu?

City1

(London) 25 Dis 2017. Manchester City waxa ay u ololeneysaa in Premier League kulamada la ciyaaro la gaarsiiyo 39 xilli ciyareedkii.

Soo jeedinta ah in kulamada la kordhiyo waa mid muddo soo jiitameysay waxaana loga gol leeyahay in dhaqaale badan lagu helo – 10 kulan oo dheeri ah lagu soo ciyaaro dibadda.

Kulamadan kaliya ma kordhin doonto caanimada dibadda ee kooxaha balse waxa ay furi doontaa suuq laakiin sidoo kale waxa ay horseedi doontaa in dhakhli dheeri ah ka soo xeeroodaan kulamada dheeriga ah  iyo xuquuqda tebinta.

Sida laga soo xiganayo Daily Mail tiro kooxo sar sare ayaa qorshaha la wadaaga Man City waxa ayna rabaan in arinkan qiimeyn lagu soo sameeyo.

Jamaahiir badan ayaa arintan ka soo horjeestay, hase ahaatee, 201kii ninkii ka ahaa agaasimaha fulinta Premier League Richard Scudamore ayaa daaha ka rogay in uu ka shalaayey soo jeedinta arinkan.

“Xaqtimhii ayaa wali igaga yaal ilaa iyo dhabarka,” ayuu yiri.

Sanadkan bilowgiisii, La Liga waxa ay shaaca ka qaadeen in ay ka arinsanayaan suurtagalnimada ah in ay kulamo joogto ah ku soo ciyaaraan dibadda Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close