Luis Enrique oo ogolaaday inuu tababare u noqdo PSG

Image result for Luis Enrique PSG

(Paris) 25 Dis 2017 Tababarihii hore ee Barcelona ayaa aqbalay inuu tababare u noqdo kooxda haatan uu layliyo Unai Emery.

Football.fr ayaa daaha ka qaaday, in Luis Enrique uu aqbalay dalab uga yimid PSG si uu u badalo Unai Emery oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Image result for Luis Enrique PSG

Maamulka kooxda reer France ayaa ku doortay Luis Enrique inuu yahay tababare horay u soo layliyay Barcelona isla markaana u soo qaaday Champions League.

Sidoo kale, maamulka ayaa u arka inuu yahay tababare ku qancin kara Neymar inuu sii joogo caasimada faransiiska, maadama uu horay ula soo shaqeeyay 3-xiliciyaareed.

Tan iyo markii uu ka tagay Barcelona xaggaagii hore, Luis Enrique ayaan wax heshiis ah u saxiixin koox kale, PSG ayaana ugu danbayn u muuqata mid gacanta ku dhigtay 47 jirka reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close