Liverpool oo waynaysa laacib muhiim ah kulanka Swansea City

(Liverpool) 25 Dis 2017 Tababare Jurgen Klopp ayaa wajahaya dhibaato hor leh kadib markii la xaqiijiyay in Jordan Henderson uusan taam u noqon karin kulanka habeen dambe.

Liverpool oo 3-3 la soo gashay Arsenal ayaa marti qaadi doonta habeen dambe kooxda Swansea City isbuuca 20-aad ee horyaalka ingiriiska.

Image result for Henderson Injury

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Jordan Henderson uu si rasmi ah u seegayo kulanka Boxing Day ee kooxdu ay la ciyaarayso Swansea City.

27 jirkaan ayaa laga saaray garoonka kulankii kooxdiisu ay 3-3 lagashay Arsenal jimcihii, markaas oo uu dhaawac soo gaaray ciyaarta oo socota 10 daqiiqo.

Jordan Henderson ayaa la filayaa inuu kooxda dib ugu soo laabto kulanka ay marti qaadayaan Leicester City sabtiga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close