Chelsea oo ku dhaw saxiixa badalka Fabregas

Image result for Aleksandr Golovin

(London) 25 Dis 2017 Chelsea ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixa laacibka kooxda CSKA Moscow ee Aleksandr Golovin.

The Sun ayaa daaha ka qaaday, in Roman Abramovich uu diyaar u yahay inuu 15 milyan oo Ginni ku soo qaato laacibka ay isku dalka yihiin suuqa janaayo.

hd-cesc-fabregas-chelsea_1joy17qgbjwn516fstgx7oqcci

Qorshaha Roman ayaa ah in laacibka uu u soo bandhigo tababare Conte si uu qayb uga noqdo kooxda xiliciyaareedka haatan socda.

Haddii Conte uu ka hor yimaado go’aanka, milkiilaha Chelsea ayaa amaah ku siinaya isla kooxdiisa CSKA Moscow inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Milkiilaha kooxda ayaa ka cabsi qaba in laacibka qiimihiisu uu sii kordho koobka adduunka ee 2018, sidaas darteed ayuu haatan u dhamaystirayaa saxiixiisa.

Aleksandr Golovin oo ah 21 jir ayaa loo arkaa inuu yahay badalka Fabregas ee sanadaha soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close