“Bal arka sidey iska dhigayaan.”.- Qolka Dharbadelashada PSG oo xarash looga hayo Neymar iyo Alves!!

ney

(Paris) 25 Dis 2017. Neymar iyo Dani Alves ayaa sababay kala qeybsanaan wayn oo qolka dharbadelashada PSG maadaama ay u dhaqmayaan sida inay yihiin Madax sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah.

Warsidaha O Jogo ee dalka Portugal ayaa sheeganaya in xiddigihii hore ee Barcelona ayba isku magacaabeen sida inay yihiin kuwa ugu muhiimsan kooxda taa oo ka careysiisay xiddigaha kale ee naadiga jooga.

Arrinkan ayaa waxay ka dagi waysay oo aqbali waayay xiddigihii kaga soo horeeyay kooxda ee waqtiga badan u soo adeegayay.

kfi

Kooxda Unai Emery ayaa sagaal dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka Ligue 1 ka dalka Faransiiska.

Laakiin waxay u muuqataa inaysan farxad ka jirin caasimada France gaar ahaan in Neymar si joogta ah lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid.

Ficilada ay ku kacayaan Neymar iyo saaxiibkii Alves ayaa sida muuqata ay qaar ka mid ah kooxda u arkeen inay Ixtiraam darro tahay.

Waxaa kaloo la sheegayaa in xiriir saaxiibtinimo oo balaaran aysan ka dhex jirin shaxda kooxda.

kafi

Waxaa taa dheer in la sheegay inuu xiriira qaboow ka dhexeeyo tababare Emery iyo qaar ka mid ah xiddigaha waa wayn ee naadiga.

Wiilasha reer Brazil ayaa gegada Parc des Princes u soo wada dhaqaaqay suuqii xagaaga.

PSG ayaa lacagihii ugu badnaa ebid kubbada cagta ku soo iibsatay Neymar halka Alves uu heshiiska xorta ah kaga soo tagay Juventus.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close