Arsene Wenger oo qorshahaan la damacsan Mourinho suuqa janaayo

Image result for Mkhitaryan Ozil

(London) 25 Dis 2017 Tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ku fikiraya inuu ka dhabeeyo xiisaha Man United ee Mesut Ozil.

Arsene Wenger ayaa doonaya in Manchester United uu ka iibiyo kubadd abuuraha reer Jarmal suuqa janaayo sida ay baahisay Daily Star.

Image result for Mkhitaryan Ozil

Laakiin tababaraha reer France ayaa taa badalkeeda doonaya in la siiyo laacibka faloobka ka noqday Old Trafford ee Henrikh Mkhitaryan.

Laacibkii hore ee Borussia Dortmund ayaa ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo kooxda, xitaa wuxuu waayay in la soo fariisiyo keydka kulamada qaar.

Qandaraaska Ozil ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, Wenger ayaana doorbidaya inuu lacag ama laacib ku helo intii uu bilaash uga tagi lahaa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Lama hubo in Manchester United ay aqbali doonto qorshaha Arsenal ee ah is dhaafsiga Mesut Ozil iyo Henrikh Mkhitaryan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close