Arsenal oo dalab ka gudbinaysa Medhi Benatia

Image result for Mehdi Benatia Arsenal

(London) 25 Dis 2017 Kooxda Arsenal ayaa dalab ka gudbinaysa daafaca Juventus ee Medhi Benatia sida ay sheegtay Sky Sports.

30 jirka reer Morocco ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa Juventus, balse tababare Wenger ayaa u arka laacib adkeyn kara daafaca kooxdiisa.

Image result for Mehdi Benatia Arsenal

Arsenal ayaa la filayaa inay hor dhigto Juventus dalab dhan 40 milyan oo euro, si ay u hesho Medhi Benatia.

Xiddigaan ayaa guul muhiim ah farta ka saaray isbuucaan kooxdiisa Juventus, kadib markii uu u dhaliyay halka gool ee kooxdiisu ay uga adkaatay Roma.

Arsene Wenger ayaan ku qanacsanayn qaab ciyaareedka liita ee daafaca kooxdiisa, xili kooxdiisu ay ku jirto booska 6-aad ee kala saraynta horyaalka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close