Wasiirada Cayaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo ku baaqay in qaybtooda laga siiyo hay,adaha Sportska dalka,iyagoo sheegay in ay hakiyeen wada shaqeentii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

(Muqdisho) 24 Dis 2017. Waxaa shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho Wasiirada Wasaaradaha Maamul Goboleedyada Soomaaliya shirkaas oo ay ugu danbayn ka soo saareen war qoraal ah oo loo qaybiyey Saxaafada Sportiga.

Wasiirada Cayaaraha Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in shir ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saareen Go aano ay ku dalabanayeen in wax laga badalo qaab dhismeedka Gudiga Olombikada Soomaaliya iyo Xiriirada hoos taga kaas oo ay sheegeen in ay Maamulaan dad hal qoys ka soo jeeda waa sida ay hadalka u dhigeen

Wasiirada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay helaan Xuquuq kaga maqan hay,adaha  Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ayna doonayaan sidoo kale in Xiriirka lagu Saleeyo hab qaybsiga Faderaalka ee ay ku dhisantahay dowlada Soomaaliya.

Shirkaan sida lasheegay in kasta oo aysan goob joog ka ahayn Saxaafadu Wasiirada maamul Goboleedyada Jubaland Hirshabele Galmudug iyo Puntalan waxaana ay soo saareen War Saxaafadeed sidaan u qornaa.

W/D:Ceydiid Cabdi Raxmaan Aadan

warqad wasiirada-4

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close