Walee ma yara cadaawada uu Pique u qabo Real Madrid…(Kaamirooyinka oo kulankii shalay soo qabtay isagoo ku dhahaya Saaxiibadiisa….)

TOPSHOT - Barcelona's Spanish defender Gerard Pique celebrates after Barcelona's Spanish midfielder Aleix Vidal scored during the Spanish League "Clasico" football match Real Madrid CF vs FC Barcelona at the Santiago Bernabeu stadium in Madrid on December 23, 2017. / AFP PHOTO / CURTO DE LA TORRE

(Spain) 24 Dis 2017. Daafaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa si cad u muujiya naceybka uu had iyo jeer u qabo kooxda Real Madrid waxaana ugu sii darnaa hadal uu saaxiibadiisa ku yiri intii ay socotay kulankii shalay ee El Clasico ee Los Blancos loogu awood sheegtay saddex gool iyo waxba.

Kaamirooyinka Gol ayaa soo qabtay daafaca reer Spain mar uu saaxiibadiisa la dabaal degayay goolkii labaad uu dhaliyay Messi kaa oo rigoorada ahaa isagoo ku dhahaya “Ka dhaliya goolal badan! Ka dhaliya goolal badan!”.

Gerard ayaa malaha sidaa u dhahay saaxiibadiisa maadaama uu ogaaday inay niyad jabeen xiddigaha Real Madrid kaddib goolka labaad oo laga dhaliyay isla markaana uu kaarka cas ka qaatay daafacooda Carvajal.

Ma noqon sidii uu doonayay Pique inkastoo dhammaadka ciyaarta daqiiqadihii lagu daray uu gool kooxdiisa u dhaliyay Aleix Vidal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close