Maxaa ka jira Aleix Vidal oo ah laacibkii goolka 3-aad ka dhaliyay Real Madrid in uu geeriyooday?

(Barcelona) 24 Dis 2017 Baraha bulshada waxaa qabsaday goor dhaw geeri la sheegay inay ku timid laacibkii goolka 3-aad ka dhaliyay Real Madrid ee Aleix Vidal.

Warar badan kadib, waxaa la xaqiijiyay in warkaas uu yahay mid been ah isla markaana ay soo hindiseen qaar kamid ah taageerayaasha Real Madrid.

Isla laacibka qudhiisa ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu geeriyooday kadib markii la arkay isaga oo Like saaraya wax yaabo la soo dhigay barta Instagramka.

Aleix Vidal ayaa shalay quusiyay kooxda Real Madrid kadib markii uu darbo xoogan daba mariyay goolhaye Navas oo isku dayay inuu badbaadiyo balse awoodi waayay.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan arinkaas, laacibku kama hadlin, sidoo kale kooxdiisa Barcelona kama hadlin wararkii lagu faafiyay baraha bulshada.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in Aleix Vidal uusan dhiman oo uu noolyahay sida laga arkay bartiisa Instagramka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close