Harry Kane oo soo bar bareeyay Alan Shearer

hary

(England) 24 Dis 2017. Kaddib saddexleydii uu xalay uga shubay Burnley ciyaartii ay 3-0 uga adkaadeen ayuu Harry Kane soo bar bareeyay Rikoodh muddo u yiilay rugcadaagii reer England Alan Shearer.

47-jirka iminka falanqeeya ciyaaraha ayaa isagoo 22-jir ah oo u ciyaaraya Blackburn 1995-tii hal sano gudaheed Premier League ku dhaliyay 36-gool balse waxaa iminka soo bar bareeyay dhaliyay Tottenham oo waliba heysta hal kulan inta uusan dhammaan sanadka si uu isaga mid cusub u dhigo.

h

Kane ayaa ka sara maray xiddigihii Arsenal ee Thierry Henry iyo Robin van Persie iminkana wuxuu isha ku hayaa inuu ka saro maro Shearer si uu isaga mid cusub lugtiisa ugu qoro.

Tottenham ayaa Southampton kula ciyaari doonta Wembley Stadium kulanka ugu dambeeya sanadka ee Boxing Day.

Ma ahan oo qura in Kane uu sanad gudihiisa ku dhaliyay 36 gool oo PL ee sidoo kale waa hogaamiyaha gool dhalinta horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 15-gool.

h1

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close