Harry Kane oo ka saramari kara Lionel Messi tartanka gool dhalinta 2017

Image result for Kane Messi

(London) 24 Dis 2017 Harry Kane ayaa xalay kooxdiisa u dhaliyay 3-leey kadib guul ay ka gaartay Burnley oo ay marti u ahaayeen.

Weerar yahanka reer ingiriis ayaa sidaas ku gaaray goolkiisii 53-aad ee sanadkaan 2017 tartamada oo dhan.

Wuxuuna soo barbareeyay Ronaldo, Lewandowski iyo Cavani oo min 53 gool wadaaga, xili Messi uu hogaaminayo tartanka.

Goolkii Messi uu ka dhaliyay Real Madrid ayaa ka dhigtay inuu gaaro goolkiisii 54-aad ee 2017, Harry Kane ayaana haysta fursad uu ku soo barbarayn karo ama xitaa uu uga saramari karo.

Tottenham ayaa talaadada la ciyaari doonta Southampton kulankooda ugu danbeeya ee 2017, Harry Kane ayaana u baahan inuu 2-gool ka dhaliyo kulankaas si uu uga saramaro laacibka Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close