Man City oo maaro loo la’yahay kaddib markale ay Goolal badan ku badisay…+SAWIRRO

manc

(England) 23 Dis 2017. Manchester City ayaa gaartay guushii 17-aad oo xiriir ah Premier League kaddib markii ay 4-0 ku martay Bournemouth.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Sergio Aguero ayaa goolka ugu daah furay kubbad joog gaaban uu madax ku dhaliyay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee Dheesha Raheem Sterling ayaa goolka labaad u saxiixay kooxda Guardiola.

Aguero ayaa soo laabtay oo madax ku dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee Man City ka hor inta uusan goolka afaraad ciyaarta ku soo xirin daaficii Real Madrid Danilo.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay Premier League ee 100-gool dhalisa horyaalka hal sano gudihiis tan iyo Liverpool 1982 (106-gool).

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close