Kaddib guushii Barcelono, Messi oo ammaanay hal Laacib oo ka tirsan Real Madrid

lio

(Madrid) 23 Dis 2017. Barcelona ayaa guul raaxo leh galabta Bernabeu uga soo gaartay Real Madrid oo ay ku xaaqday 3-0.

Luis Suarez, Lionel Messi iyo Vidal ayaa goolasha u saxiixay kooxda martida ahayd.

intaas sheekada waaba ka sii fool xumaan lahayd haddii uusan ahaan lahayn goolhaye Keylor Navas oo goolal badan bad baadiyay.

Website ka Don Balon ee dalka Spain ayaa sheegaya in Lionel Messi uu ciyaarta kaddib u tagay goolhayaha reer Costa Rica isagoona ku ammaanay bandhiga fiican uu kulanka ka sameeyay.

Barcelona news Lionel Messi Real MadridMaalmaha goolhaye Navas ee Bernabeu ayaa iminka ah kuwa tirsamaya maadaama ay u badan tahay in Real Madrid ay qarashaad ku bixin doonto sidii ay ku heli lahayd goolhaye cusub marka uu suuqa furmo bisha soo socota.

Sikastaba, Don Balon ayaa sheeganeysa in Lionel Messi uu ammaanay Goolhaye Navas isagoona u muujiyay sida uu ula dhacsan yahay bandhigiisa ciyaarta kaddib.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close