ISBAR-BAR DHIG: Yaa ku leh Messi iyo Ronaldo kulamada El Clasico??

hal

(Spain) 23 Dis 2017. Waxaa galabta wada ciyaari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kulanka ugu xiisaha badan kubbada cagta ee El Clasico.

Gudaha Spain kulanka wuu ka wayn yahay kulan ciyaareed oo waxaa iska hor imaanaya fikrado kala duwa iyo dhaqamo kala gadisan.

Haddaba ka hor kulanka El Clasico Goal ayaa is bar-bar dhig dhankasta ah ku sameysay xiddigaha hormuudka u ah Barcelona iyo Real Madrid ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Keebaa gaaray guulaha ugu badan ee El Calsico?

LIONEL MESSI:

Messi ayaa Ronaldo ka guulo badan kulamada El Clasico inkastuu ka kulamo badan yahay.

Xiddiga reer Argentina ayaa Real Madrid guul ka gaaray 16 kulan dhammaan tartamada 36-kulan uu ka hor yimid, waxaa laga adkaaday 12, halka uu bar baro galay 8-kulan.

La Liga waa midkuu ugu jecel yahay Messi oo 12 ka mid 16 ka kulan uu gaaray Guulaha El Clasico waa kuwa horyaalka ah.

Champions League marna guul daro kalama kulmin Real Madrid oo labadii kulan uu ka hor yimid midna guul midna bar baro.

CRISTIANO RONALDO:

Ronaldo ayaa guul ka gaaray Barcelona 8-kulan 28-kulan uu wajahay balse xisaabta ku darso wuxuu La Liga yimid 2009 oo wuu ka kulamo yaryahay Messi oo Barcelona ku indho furtay.

7-kulan ayuu bar baro galay CR7 halka laga adkaaday 13-kulan.

Sikastaba, Ronaldo ayaa kulamada El Calsico guulo gaaray 28.5% halka uu Messi gaaray 44.4%.

Yaa Dhaliyay goolasha ugu badan ee El Clasico?

LIONEL MESSI:

Messi ayaa ah kan ugu goolasha badan taariikhda kulamada El Clasico oo wuxuu dhaliyay 24-gool 36-kulan.

Inta badan goolashaasi wuxuu ka dhaliyay La Liga, 16-gool 22-kulan, lix gool wuxuu ka dhaliyay Supercope iyo labo gool Champions League.

Tartanka kaliya uu Messi gool ka dhalin Real Madrid ayaa ah Copa de Rey oo waa laga soomiyay shabaqa lix kulan ay isaga horyimaadeen.

CRISTIANO RONALDO:

Ronaldo wuxuu El Clasico ka dhaliyay 17-gool oo waxaa 7-gool dheer Lionel Messi balse tirada waxaa lagu darayaa in Messi uu 8-kulan oo El Clasico dheeryahay Ronaldo.

Yaa Sameeyay Caawinta ugu badan ee El Clasico?

LIONEL MESSI:

Messi ayaa markale Ronaldo kaga fiican dhankan oo wuxuu sameeyay 13-caawin oo gool loo badelay.

Marka laga soo tago 24-ka gool uu ka dhaliyay El Clasico xiddiga reer Argentina ayaa caawiyay 13kale.

Messi ayaa sidoo kale abuuray 65 fursadood.

CRISTIANO RONALDO:

Xiddiga reer Portugal ayaa dhankaan ka qadsan oo 28-kulan uu ciyaaray El Clasico wuxuu caawiyay hal gool oo qura, halka uu abuuray 14-fursadood.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close