Inter oo qaabkan ku dooneysa Mkhitaryan [Gazzetta dello Sport]

Henrikh-flick-800x504

(Manchester) 23 Dis 2017. Inter Milan waxa ay xiiseeeysaa in ay xiddigga hoos uga dhacay xulasha Manchester United Henrikh Mkhitaryan ku qaadato amah, sidaas waxaa qortay Gazzetta dello Sport.

Kooxda Serie A-ga ma aaminsana in ay Armenian-ka qaab joogta ah ku keeni karto waxa ayna rabtaa in 28 jirka ay deen ku hesho.

Inter waxa ay loolan kala kulmeysaa Dortmund oo iyana isha ku haysa Mkhitaryan kaas oo haatan KABA MAQAN kooxda kowaad ee Jose Mourinho.

Henrikh Mkhitaryan waxa uu United uga soo biiray Borussia Dortmund isaga oo xilli ciyaareedkan qaab heer sare ah ku bilowday.

Shan caawin ayuu sameeyey dhawrkii kulan ee horyaalka ugu horreeyey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close