EPL: Chelsea iyo Everton oo bar bar dhac isla dhaafi waayey

(Liverpool) 23 Dis 2017. Kooxaha Everton iyo Chelsea ayaa dhibcaha ku wadaagay geida Goodison Park galabta.
Ciyaartan oo ka tirsaneyn Premier League ayey dhinacyadu u suurtagali weyday in ay gool ka dhaliyaan ciyaarta.
Eden Hazard iyo xulufadiisa waxa ay sameeyeen isku dayyo badan oo ay ku jabinayaan daafaca kooxda Sam Allardyce balse uma suuragalin.
Ciyaarta ugu dambeyn waxaa lagu kala baxay goolal la’aan.
Gool FM.