Diego Simeone oo aan Daawan doonin galabta El Clasico (Maxaa dhacay?)

Image result for Simeone, Zidane Valverde

(Madrid) 23 Dis 2017 Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa sheegay in galabta uusan daawan doonin kulanka adag ee El Clasico.

Espanyol ayaa guul daradii ugu horaysay xiliciyaareed kaan ee La Liga gaarsiisay kooxda tababare Diego Simeone kadib markii ay uga adkaatay 1-0.

Image result for Simeone, Zidane Valverde

Diego Simeone oo ka caraysan guul daradii xalay soo gaartay ayaa sheegay inuusan qorshaha ku darsan daawashada kulanka El Clasico.

Tababaraha reer Argentina ayaa sheegay inuu qorsheeyay daawashada kulanka maqribkii dhex mari doona Valencia oo uu laba dhibic ka sareeyo iyo kooxda Villarreal.

“Waxaan qorsheeyay inaan daawado kulanka Valencia iyo Villarreal, xaalad fiican ayaan ku jirnaa, qaybtii hore ee xiliciyaareedku way fiicnayd, ciyaartoyduna si dhab ah ayeey u shaqeeyeen” ayuu ku jawaabay Simeone mar wax laga waydiiyay El Clasico.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close