Barcelona oo soo gaartay Madrid iyo taageerayaasha Real oo aflagaado ku soo dhaweeyay

(Madrid) 23 Dis 2017 Ciyaartoyda Barcelona ayaa xalay soo gaaray magaalada Madrid oo galabta ay kula ciyaarayaan kooxda Real.

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa ereyo aflagaado ah ku soo dhaweeyay ciyaartoyda Barcelona.

Maadama Barcelona ay ka timid Catalonia oo ah gobol doonaya inuu gooni isku taago ayeey taageerayaashu ku qaylinayeen “Ha jirto Spain”, waxayna muujinayeen muhiimada isku duubnida dalka.

Sidoo kale taageerayaasha ayaa dalbanayay in Barcelona ay salaan sharafeed u saarto ciyaartoyda Real oo ku soo guulaystay koobka kooxaha adduunka.

Taageerayaasha ayaan dhaafic Pique kaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay “Wacal”, waxayna ku dhawaaqayeen:

“Salaan sharafeed, Ha jirto Spain, Pique wacal”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close