SAWIRRO: Jubbaland oo ku guuleysatay tartanka maamul goboleedyada

855A2762

(Muqdisho) 22 Dis 2017  Kooxda Jubbaland ayaa galabta ku guuleysatay Tartanka maamul goboleedyada dalka, kadib markii ay 1-0  uga adkaatay kooxda Puntland.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Reaysal wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre , Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha marwo Khadiijo,guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane C/qani , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi iyo xubno kale.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 0-0, xilli labada kooxood  ay iska lumiyeen fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa Jubbaland waxaa u suura gashay in ay hesho goolki guusha,waxaana shabaqa gaaray kabtankooda Yoonis iyadoo ciyaarta kusoo dhamaatay 1-0.

Magaalada Kismaayo  ee caasimadda KMG  Jubbaland ayaa waxaa ka socda Munaasabado loogu dabaal degayo guusha ay gaartay kooxda Jubbaland .

Sida loogu kala guuleystay Abaal-Marinada Taratnka

Macallinka ugu fiican Tartanka waa Khaliiji oo leyliya Jubbaland.

Gool dhallinta tartanka waxaa ku guuleystay Muuse C/raxiim oo ka tirsan Jubbaland.

Xiddigii ugu fiicnaa tartanka waxaa ku guuleystay kabtanka Puntland C/laahi Akram.

Goolhayihii ugu fiicnaa tartanka waa Cabaas Bashiir oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

855A1827 855A1854 855A1886 855A1894 855A1909 855A1918 855A1928 855A1931 855A1945 855A1950 855A1958 855A1971 855A1982 855A1987 855A2000 855A2028 855A2035 855A2043 855A2046 855A2055 855A2065 855A2070 855A2078 855A2113 855A2146 855A2150 855A2185 855A2192 855A2194 855A2197 855A2230 855A2261 855A2298 855A2302 855A2303 855A2308 855A2309 855A2335 855A2341 855A2355 855A2373 855A2376 855A2379 855A2399 855A2400 855A2403 855A2406 855A2415 855A2441

Sawir Qaade; M.Calasoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close