RASMI: Kingsley Coman oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay Bayern Munich

(Munich) 22 Dis 2017 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa lagu abaal mariyay heshiis waqti dheer ah.

21 jirka reer France ayaa u saxiixay Bayern Munich heshiis dhacaya ilaa 2023, waana laacibkii ugu horeeyay horyaalka jarmalka ee laga saxiixo heshiis gaaraya waqtigaas.

Bayern Munich ayaa xaggaagii heshiis rasmi ah u badashay laba xiliciyaareed oo amaah ay uga soo qaadatay Kingsley Coman kooxda Juventus.

Xiddigaan oo ka hadlay heshiiskiisa cusub ee 5-ta sano ah ayaa yiri:

“Aad ayaan u faraxsanahay, waan ku qanacsanahay inaan halkaan ka ciyaaro waqti dheer, waxaan dareemayaa inaan xaalad wanaagsan ku haysto Bayern Munich”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close