“Kala saar Ganacsiga iyo Saaxiibtinimada.”. Bergkamp oo waji gabax kala kulmay Saaxiibkii hore!!

per

(Dutch) 21 Dis 2017. Kooxda tababaryaasha naadiga Ajex ee dalka Holland oo uu ka mid ahaa laacibkii hore ee Arsenal Dennis Bergkamp ayaa dhammaan lawada ceyriyay.

Amarka looga buriyay kooxda ayaa waxaa bixiyay saaxiibkii hore ay ka wada tirsanaayeen Gunners ee Marc Overmars kaa oo iminka ah Agaasimaha ciyaaraha ee naadiga ka dhisan Holland.

Bergkamp ayaa ka hoos shaqeynayay tababare Marcel Keizer oo laga ceyriyay Ajax kaddib markii ay si liidata ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

de

Go’aanka ayaa waxaa wada qaatay Overmars iyo waliba madaxa fulinta kooxda ee van der Sar rugcadaagii hore ee Manchester United.

Aqbaartan ayaa la xaqiijiyay galabta kaddib markii ay habeen hore Ajex guul darro kala kulantay FC Twente tartanka KNVB Cup.

ov

Bergkamp, Keizer iyo Spijkerman ayaa dhammaan iminka ka wada hadlaya heshiiskooda dooda ku dhammaaday kaddib markii ay maamulka Ajex go’aansadeen inay xilka ka qaadan maadaama ay kalsooni ku qabin hogaankooda.

Waxaan maqli jiray “Kala Saar Saaxiibtinimada iyo Ganacsiga.”. Waa sheekada iminka kala qabsatay Dennis Bergkamp iyo saaxiibkii Marc Overmars.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close